Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka Oo Isbaaro Iyo Baad Dadbadn Ku Tilmaamay Lacagaha Ceymiska Ee Laga Qaado Gaadiidleyda

Hanti dhowrka guud ee qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ka hadlayey qeyla dhaanta kasoo yeereysa gaadiidleyda ee magaalada Muqdisho ayaa baad iyo isbaaro dad badan ku tilmaamay lacagaha Cymiska ee lagu soo rogey gaadiidleyda.

Dr Faarax ayaa sheegay in Soomaalida sanadii 1973-dii ay yeelatay Ceymis oo ay gacanta ku haaysay dowladii xilligaasi jirtay hase ahaate waxa shaki ka keenay sababta ka dambeysa in wasaarada Gaadiidka ay heshiis arinkaa kula gasho shirkad si gaar ah loo leeyahay.

Waxa uu ka digay in leyska horkeeno Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada hada jirta isagoo ka codsaday wasaarada Maamliyadda inay go’aan ka gaarto lacagaha ceymiska ee gaadiidka laga qaadayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open