Isu Soo Bax Roob-Doon Ah Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

Shacab kala duwan oo ka kal yimid xafadaha ay ka koobantahay magaalada Gaalkacyo, culimaa udiin, Maamulka gobalka mudug, kan dagmada Gaalkacyo ayaa isugu soo baxay saalad roob doon ah oo Alle looga baryayo si uu uga dul qaado Abaarta ku dhufatay deegaano badan oo kamid ah Puntland iyo soomaliya.

Duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa lagu tukaday labo raga cadood oo salaada roob doonta ah. ducooyin, wacdiyo, Axaadiis ,iyo kalmado dar daaran ah oo lagula dar daarmayo bulshada muslimiinta ah gaar ahaana kuwa Gaalkacyo ayaa halkaasi waxa ka soo jeediyey culimadii ka soo qab gashay salaada roobdoonta ah.

Xaaladda Abaarta ka jirta Puntland ayaa mareysa meel halis ah oo laga soo dayrinayo, waxaana ku barakacay boqolaal qoys oo ku waayay xoolahoodii .

44-300x16943-300x16938-300x169411-300x16940-300x169

49-300x169 52-300x169 53-300x169 54-300x169 55-300x169

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open