Mashruuc Indha Fiiqis Ah Oo Ay Ka Faa’ideysanayaan Dad Badan Ayaa Ka Bilowday Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Isbitaalka Daryeel ee Magaalada Kismaayo Xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa Saaka ka bilowday Mashruuc Samafal ah oo Indhaha logu fiiqayo dad iskugu jiro Wayeelo iyo dhalinyaro.

Howshan samafalka ah oo socon doonto muddo labo Todobaad ah ayaa waxaa ka fa’idaysanayo dad tiradoodu garayso 500 oo qof kuwaas oo ka kala yimid Deegaanada Jubbaland iyo Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Dr cabdirasaaq axmed dalmar oo ah gudoomiyaha hay’adda samafalka ee alnuur  oo Mashrucaan fulinayso ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof ay indhaah u fiqayaan islamarkaana ay lacag la’aan ah ugu shaqaynayaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudo bil iyo bar ka hor kooxo ka socda Hay’adda Al-Nuur Foundation ay Magaalada Kismaayo ka qabteen howlo iskugu jiri Baaris, dawayn iyo Okiyaale qoris

Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyey in hirgelinta howshan samafalka ah ay iska kaashadeen heyadda Al-Nuur Foundation oo isagu uu madax u yahay, iyo ururka dhaqaatiirta Adduunka (Doctors Word-wide) oo fadhigiisu yahay wadanka Turkiga.

Qaliinka Indhaha ayaa waxaa samaynayo Dhaqatiir iskugu jirto Soomaali, Bakistaan iyo Turkiga, Hay’adda Alnuur Foundtion iyo ururka dhaqaatiirta Adduunka ayaa Sanadkaan gudihiisa Qaliinka Indhaha oo Samafal ah ugu fiiqay dad gaarayo 3000 oo qof.

dscn1096 dscn1097 dscn1109 dscn1111 dscn1115 dscn1122

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open