Warbixin Cusub Oo Laga Soo Saaray Wiilkii Dhawaan Isku Qarxiyey Jaamacadda Ohio, Iyo Daacish Oo Weerarkaasi Ku Faantay (Warbixin)

Wiilkii Soomaaliga ahaa Cabdirisaaq Cali Cartan ee Habeenkii Isniinta Weerarka ka gaystay Jaamcada Gobolka Soomaalida ay ku badanyihiin ee Ohio, ayaa la sheegayaa inuu ahaa wiil waxbarashada aad ugu wanaagsan.

Cartan ayaa imtixaankii dugsiga sare uga soo gudbay ku baasay buundooyin aad u sareeya oo la sheegay inay 100% ahaayeen, waaxaana la soo bandhigay muuqaal muujinaya farxadii maalinkaasi wajigiisa ka muuqday.

Cabdirisaaq ayaa la sheegayaa inuu ahaa wiil aad u degan oo kaligii socod ahaa, waxaana waraysi la yeeshay Joornaal ka soo baxa Jaamacadaasi, intii uusan weerarka gaysan ka hor, isagoo markaasi ka hadlay cabsida uu ka qabay in dadka ay su’aalo badan ka waydiindoonaan diintiisa iyo Salaada uu ku tukado Jaamacadaasi.

Dhinaca kale warbixin ay soo saartay kooxda xagjirka ah ee Daacish ayey ku sheegtay in Cabdirisaaq Cali Cartan uu ka mid ahaa akartooda, waxayna dhabarka u iteen mas’uuliyadda weerarkii Jaamacadda lagu qaaday.

Baaris ay wadaan hey’adaha amaanka ku shaqada leh ee Mareekanka ayaan weli wax warbixin ah soo saarin, waxaana weli ay wadaan baaris ku aadan sidii ay u ogaan lahaayeen in weerarkii habeenkii Isniinta la qaaday uu la xariiray fal argagaxiso iyo in kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open