Dagaal-ooge C/naasir Cabdi Caruusha Oo Gacanta Loo Geliyey Samafalka Gobolka Shabeelada Hoose, Iyadoo Hey’adaha Uu Duldhigay…(Warbixin)

Dagaal-ooge C/naasir Cabdi Caruush oo si sharci dara ah ugu magacaaban Wasiirka Iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah ee maamulka Koonfur galbeed ayaa gacanta loo geliyey howlaha Samafalka ee Hay’adaha ka howl gala deegaanada K/galbeed.

C/naasir Cabdi Caruush oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa in mudda ah ka dib ku guuleystay in Madaxweynaha uu ka dhaadhiciyo in gacanta loo geliyo dhamaan hay’adaha samafalka ee doonaya inay ka shaqeeyaan deegaanada maamulka hoos yimaada.

Sida ay sheegeyso warbixin aan heleyno Dagaal-oogahan oo ka faa’ideysanaya xaaladaha abaarta ee deegaanka ka jira ayaa amaro culus wuxuu dul dhigay dhamaaan hay’adahii daneenaya in ay ka shaqeeyaan Gobolka Shabeelada hoose iyo deegaanada kale.

Amarada ayaa sida gaar ah wuxuu u saameynayaa hay’adaha aanay gacanta ku haaynin Mooryaanta Habargidir ee dhaqaalaha ku bixiya dagaalada barakicinta ee lagu wado Shacabka Gobolka Shabeelada hoose, waxaana amaradan qaarkood lagu sheegay in lagu doonayo in hay’adaha looga mamnuuco Gobolka.

Gobolka Shabeelada hoose oo ay intiisa badan xoog ku joogaan Mooryaan kasoo duushay Gobolada dhexe ayaa dhaqaalaha ugu badan waxa siiya hay’ado beeleed ku howlgala gala magaca Samafal, waxaana culeys baaxad leh la saaray hay’adahii kale ee doonayey inay Gobolka ka fuliyaan howlo samafal.

C/naasir C/caruus ayaa ka mid ah shakhsiyaadka boorka isku qariya ee abaabula weerarada iyo xadgudubyada lagula kaco dadka Shacabka ee aan hubeysneyn, wuxuuna inta badan isu muujiyaa inuu kasoo horjeedo dhibta ay geysanayaan Mooryaanta beeshiisa kasoo jeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open