Dhageyso Wasaaradda Maaliyadda Oo Beenisay Inay Heshiis La Gashay Shirkadda Ceymiska Ee Takaaful

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shirkad Caymiska Takaaful oo lacago Caymis ah kusoo rogtay Gaadiidleyda magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay ineysan jirin cid ay wasaaradda Maaliyadda u igmatay iney Caymis ka qaadaan shacabka, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro sharci u fasaxaya shirkadaha gaarka loo leeyahay iney Camis ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin wax sharci ah oo ay meelmariyeen labada gole ee dowladda oo ku saabsan in shirkado gaar ah loo xilsaaro Caymiska,wuxuuna shaaca ka qaaday iney ka xun yihiin in shacabka Soomaaliyeed lagu khasbo Caymis aysan raali ka ahayn isla markaane aan sharci ahayn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open