Dhageyso Xaaskii Rw Saacid Oo Sheegtay Inuu Dagaal Adag La Galay C.kariim Guuleed, Iyo Faragelinta Lagu Haayo Doorashada

Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xalay war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay inaan faro-gelin lagu samaynin odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu si gaar ah baaqaas ugu jeediyey hay’adda nabad sugidda qaranka, taasi oo maanta beenisay inay wax faro-gelin ah ku hayso doorashooyinka, Sidoo kalana waxaa arintaasi dhankooda ka Jawaabay Hay’ada Nabad sugida.

Dhinaca kale, xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ah  Xaaskii R/Wasaare Saacid  ayaa diiday inay ka qeyb gasho doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee kursiga beesheeda, iyada oo tirsaneysa qaladaad, Waxayna sheegtay in culays badan la saaray kursigeeda, iyadoona uu dagaal ku hayey madaxwaynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee Galmudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open