Kaaba Mooryaan Cali Nure Oo Soo Laba Kacleeyey Iyo Ibraahim Najax Oo Eedeyn Ku Muteystay Safarkii Uu Ku Tagay Ceeljaalle (Warbixin)

Kaaba Mooryaan Cali Nuure Maxamed oo ka mid ah shakhsiyaadka uu ka degi la’yahay Gobolka Shabeelada hoose islamarkaana horboodaya xasilooni darida ayaa Eedeymo kulul u jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelad hoose.

Gudoomiye Ibraahim Najax oo maalmo ka hor safaro kala duwan ku tagay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa meelaha uu booqday waxa ka mid ahaa Deegaanka Ceeljaalle oo ay kusoo barakaceen Shacab badan oo ay guryaha ka gubeen Isbaheysiga Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada Shabaab.

Warar soo gaaray Markacadey.com ayaa xaqiijinyey in Kaaab Mooryaan Cali Nuure uu ka carooday safarka isaga iyo shakhsiyaadka Beeshiisa ah xilalka taabsaday laga reebay, taas oo keentay in dhalceyn uu usoo jeediyo Gudoomiye Najax iyo xubnaha la soday.

Sida ay tilmaameyso warbixinta Cali Nuure ayaa Ibraahim Najax ku eedeeyey in wanaajinayo Xiriirka dadka dega Gobolka oo wajahaya dagaallo iyo Ciidamada Amisom, waxaana sfarkii Ceeljaalle uu ku tilmaamay mid sii baahinaya dagaalada Mooryaanta looga soo horjeedo ee Gobolka ka socda.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa lagu eedeeyey in taageersanyahay kacdoonka shacbiga ah ee ay horboodeyso Beesha Biimaal oo lagu doonayo in Mooryaanta laga dhiciyo Beeraha iyo deegaanada ay xoogga ku qabsadeen.

Maamulka Gobolka Shabeelada hoose oo ay ku jiraan xubno xilal kala duwan taabsaday ayaa madaxda kasoo jeedda Gobolka oo aan waxba ka qaban karin shashsiyaadkaasi ayaa go’aansaday in safaradooda iyo howlahooda ay ka madax banaanaadaan kuwa dhibaateenaya shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open