Madaxweynaha Xilka Sii Haaya Ee Xasan Sheekh Maxamuud Oo Muddo Laba Bil Gudahood Safarka Seddaxaad Ku Gaaray Dalka Itoobiya

Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa kasoo baxaya faafaahinno kala duwan, waxaana wararka ugu badan ay sheegayaan in uu la xiriiro arimaha doorashooyinka, maadaama Dowlada Addis ababa ay dooneyso in ay galaangal mug leh ku yeelato Doorashada soo aadan.

Wararka la helayo ayaa ku waramaya in safarkaan uu ka dambeeyey ka dib kulamo kala duwan madaxad Itoobiya ay la qaataan qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo musharxiin u taagan inay ka mid noqdaan u tartamayaasha doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya ayaa la sheegayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaadatay xubno dhawaan ay casuumdd u fidey kuwaas oo ay kala sheekeysatay musharax ugu tunka weyn tartanka iyo shakhsiyaadka isku kooxda ah ee tartanka looga cabsi qabo.

Sidoo kale Madaxda Itoobiya ayaa la sheegayaa in tala ahaan ay soo jeediyeen in la taageero Madaxweynaha haatan talada dalka sii haaya, waxaana fiirkas ka horyimid sida wararku sheegayaan Madaxweynayaasha Puntland iyp Jubbaland.

Madaxda Puntland iyo Jubbland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey shakhsi dabci ahaan aan lala shaqeyn karin oo ay ka fiirsanayaan markaan hogaamiyaha ay ku taageeri lahaayeen tartanka doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in kulamada uu la qaadan doono Madaxda Itoobiya lagu kala cadeyn doono musharaxa ay taageerada weyn u hayaan, waxaana kulamada qaar ay noqon doonaan kuwo isbedel ku keenaya ololaha Xasan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open