Maleeshiyada Alshabaab Oo Weerar Ku Dhaawacay Gudomiyihii Degmada Jalalaqsi Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi uu goordhaweyd ku dhaawacmay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen Kolonyo uu la socday.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa ku dhaawacmay weerar dhabbagal ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen xilli uu ka ambabaxay magaalada Jowhar kuna sii jeeday degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo ilaalada Gudoomiyaha oo in mudo ah socday ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda waxaana ku dhaawacmay 3 ruux oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo la sheegay inuu ka dhaawacan yahay gacanta.

Kooxda Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ku qaada Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolada dalka, waxaana weeraradaas ka dhasha kasaarooyin, waxaan dhawaan weerar qarax ah lagu dhaawacay Gudoomiyihii Degmada Buur Hakaba kaas oo ugu dambeyn dhaawaca u geeriyooday.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open