Qof Kula Jooga Lama Xanto!! WQ/Maxamed Cabdirisaaq Siciid (Samiik)

Soomaalidu waa ay war badan tahay! Had iyo jeer hadal ayaa ay isugu gudbiyaan tagtadii, taaganta iyo timaaddada ka warrankooda. In kasta oo beryahan dambe baraarug qoraal jiro, bal se muddo badan Soomaalida waxa lagu naanaysayay, “Bulshadii hadalka“.

Goobaha ay ku shaaheeyaan, ee ay ku kala xog qaataan, waa goobo furan oo la wada joogo. Intaa waxa u dheer, waxa qof wal ba ku rakiban codbaahiye qaylo dheer oo meel fog gaadhsiinaya codkiisa! Dhaqanka fadhikudirirku, sooyaal ahaan, ma aha soojireen, ee waa wax la bilowday magaalo-soo-galkii. “Hadal badan dan baa dhaanta” ayaa ay raggii hore ku maahmaahi jireen, marka ay arkaan bulshada magaalada ee qof wal ba isaga oo aan dhididin rabo taajir weyn in uu noqdo, hadal badni na ku taajiro! Isla iyaga oo taas ka duulaya ayaa ay dhihi jireen, “Hadal badani fariidnimo ma aha”!

Sida oo kale waxa jirta murti tidhaahda: “Inta dood la yaqaan, in dan la yaqaan baa ka fiican”. Dhaqankaas maanta aad ayaa uu inoogu badan yahay. Meelaha lagu qaxweeyo ama lagu qayilo, muran aan bilow iyo dhammaad lahayn oo danseegad ah ayaa aad ugu tegaysaa, oo maandaalis ah!

Marka ay sheekaysanayaan kama fekeraan macluumaadka ay is waydaarsanayaan amnigooda iyo horumarkooda dhaawac in ay u keenayso iyo in kale! Taa beddelkeed waa ay iska dhurmaan oo sida ay doonaan u hadlaan. Kolkii ay Alshabaab soo baxday, ee cudud muuqata iyo saamayn la la yaabbay yeelatay, waxa ay wax weyn ka beddeshay dhaqankaas.

Labo siyaalood ba waa ay u beddeleen: Ta hore, waa in dadkii dhaqankaas caadaystay ay ka dhigeen, wax ay si khasab ah u askareeyeen; wax ay ku khasbeen in ay wax bartaan ama shaqaystaan; iyo wax ay xabsiyo ku gureen ka dib markii iska dayn waayeen (Waxaad barato waa baaskaa!);

Ta labaad, bulshadii iska hadli jirtay iyaga oo aan qiimaynin xogta ay wadaagayaan goobta ay ku wadaagayaan ama aminta ay wadaagayaan ba in ay ku habboon tahay, waxa qalbiyadooda ku abuureen argagax iyo cabsi badan, taas oo keentay in la isku warrami waayo, oo qof wal ba afkiisa xidho (Afkii baa juuq gabay!). Ta labaad ayaa aynnu tilmaan guud maanta ka bixinaynaa.

“Afkaaga iyo addinkaaga ba waa la dhowrtaa” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Kolkii Alshabaab ay si xarragaysan u bilowday buuggeeda madow waxa ku qoran in ay fuliso, wax Soomaalidu la amakaageen ayaa ay sameeyeen: indheergaradkii bulshada oo ay dileen; dalkii oo ay gaalo u gacan geliyeen; hablihii Soomaaliyeed ee sharafta badnaa oo ay qiime dileen; iyo in ay ganacsatadii yaryarayd iyo kuwii weynayd ba lacago ay san bixin karin oo baad ah ka qaadaan! Soomaalidu aad ayaa ay dhacdooyinkaas u faaqideen.

Falalka diinta iyo dadnimada xalan ka dheer ee ay kooxdaasi samayso ayaa ay si qofeed iyo kooxeed ba u gorfeeyeen. Bal se, nasiib darrada jirta ayaa ah, dadka isku warramaya in ay san si xaqiiqeed isku ogayn, oo qaarkood Alshabaab ka tirsan yihiin ama taageerayaal u yihiin! Sida oo kale, dadka goobta la fadhiya ayaa iyagu na sidaas oo kale ah!

Taasi waxa ay keentay rag badan oo kooxdaas mabaadiidooda si adag u dhaleeceeyay, dhacdooyinka qaar na si adag u dhaliilay, in la dilay!

Dadkaas la dilay waxa sabab u ahaa dilkooda, dad aan ka fogayn oo sheeko wadaag ay ahaayeen, ama goobta la fadhiyay, oo codadkoodii si qarsoodi ah uga duubay, xogahooda na la wadaagay amniyaadka Alshabaab! Dhacdooyinka dilalka waxa ay shakki geliyeen oo weyddiin ku dhaliyeen dadkii hadalka badnaa ee goobaha fadhikudirirka afkaartooda si badheedh uga sheegi jiray, iyaga oo iska indha tiraya xaqiiqooyinka nololeed, ee ay ku dhex nool yihiin! Shakkigaas baqdin badan ayaa uu abuuray! Waxa uu sababay in la kala aamin baxo oo wax ka sheegga Alshabaab ninna ku dhiirran waayo!

Sida dad badan aan ka maqlay, nin ku baraarugsan xaqiiqadaa jirta ayaa rag ay jaallayaal ahaayeen galab wada fadhiisteen mid ka mid ah maqaaxiyaha waaweyn ee Garoowe, ee fadhikudirirka caanka ku ah.

Dabadeed, mid ka mid ah saaxiibbadii oo sheekada darawalinayay, ayaa furay dood ku saabsan Alshabaab cidda soo dirsatay ee ka dambaysa iyo dhacdooyinka ay sameeyaan diin iyo dadnimo ahaan xukunkooda. Isaga ayaa soo bandhigay aragtidiisa, dabadeed jaallayaashii ayaa uu mid mid u warraystay; waxa ay soo gaadhay markiisa odaygan xikmadda badan, ee waaya’aragga ah!

Halkii laga sugayay aragtidiisa in uu soo bandhigo oo akhyaarta la wadaago ayaa uu ku tiraabay, “Nin kula jooga la ma xanto!”. Waa la wada qoslay oo la is eeg’eegay! Waa la fahmay hadal xikmadaysan in uu ku hadlay oo xaqiiqada jirta ka turjumaysa. Waxa na lagu khasbanaaday sheekadiii in la beddelo oo wax kale la faaqido!

Murtidani waxa ay caan ka noqotay gees-ka-gees carriga Soomaaliyeed. Waa ay dhici kartaa meelaha bulshadu ku kala xog qaadato in aad ugu tagto. Laftirkaagu in aad maqashay ama adeegsatay waa suuragal! Waxa loo adeegsadaa, halqabsi ahaan, kolka madal la wada joogo oo ururkaa iyo wax ku saabsan laga warramayo, in aad naftaada ku difaacdo, oo aad iska ilaaliso in aad warranto oo xogaha aad hayso la wadaagto dad aadan hubin ururkaas in ay la shaqeeyaan iyo in kale, dabadeed taasi ay sabab u noqoto geeridaada!

Sida oo kale waxa loo adeegsan karaa xaalad wal oo tan la mid ah. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: “Dhuxul huuraysa iyo nin shar badan hareerahooda bay shidaan”, “Af aamusan la ma xujeeyo”, “Af daboolan waa dahab”, “Hadal intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaanadaa yahay”, iyo “Adoo nabad isaga fadhiya ‘belooy, kaalay’ la ma dhaho”. Sidaa awgeed, noloshaada in aad qurxiso, wixii dhaawac u keenaya ka ilaaliso, dhimashadaada sabab u noqon, waa waajib ku saaran, oo ay tahay in aad garowsato.

 Anigu mararka aan ururkaas ka hadlayo, oo dadka aan la hadlayo si dhab ah itaalkayga u ogayn dhaqdhaqaaqaas in ay ka tirsan yihiin iyo in kale, marka wax la iga weyddiiyo waxa aan ku jawaabaa: “Nin kula jooga la ma xanto!”, adigu na?
WQ/Maxamed Cabdirisaaq Siciid (Samiik)
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open