Xiisad Ka Dhalatay Mid Ka Mid Ah Kuraasta Beesha Leysaan Oo Maanta Ka Taagan Magaalada Baydhaba

Magaalada Baydhaba oo ay ka socdaan doorashooyinka aqalka hoose ee xildhibaanada Baarlamaanka fedraalka ayaa waxa maanta ka taagan xiisad ka dhalatay mid ka mid ah kuraasta xildhibaanada Beesha Leysaan.

Muran xoog bdan oo u dhaxeeya Shariif Xasan Madaxweynaha K/galbeed iyo Aadan Saran-soor ayaa sababay in kursiga baarlamaanka ee uu ku tartami lahaa Aadan in laga joojiyo tartanka laguna amray in aanu geli karin xarunta lagu qabanyo doorashada.

War aan ka helnay magaalada Baydhaba ayaa ku waramaya in maanta xiisad adag ay ka taagantahay halkaasi lagana cabsi qabo in iska hor imaad uu ka dhaco xarunta ay doorashada ka dhaceyso.

Ciidan badan oo ku heyb ah Aadan Saransoor oo laga keenay deegaanno kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in lasoo geliyey Baydhaba, waxaana cabsida ugu weyn ay tahay in dagaal la iclaamiyo, waxaana dadka ay kuu sheegayaan in xaaladda maanta ay ka duwantahay sidii hore.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa awood iyo musqmaasuq u adeegsaday doorasahada ka socota magaalada Baydhaba, waxaana kuraastii ay ku tartami lahaayeen uu ku inkirey xubno badan oo u diyaar ahaa inay ka qeyb qataan doorasahada, iyo halka xubno qaarkood si musqmaasuq ah xilka looga guuleystay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open