Dhageyso Gabay Dhaxal-gal Ah Oo Loo Tiriyey Ciidamada Deegaanka “Halyeeyadii Dalkeygow Kuwa Huraaye Naftoodoo, Hambalyo Iyo Salaan Wacan Hibo Naga Gudoomaa”

Mid ka mid ah Gabdhaha kasoo jeeda Gobolka Shabeelada hoose ayaa Gabay dhaxal gal waxay ku cabirtay taageero iyo guubaabo ay u dirtay Ciidamada dabka sita ee hortaan Cadowga Beesha Biimaal.

Gabadhan oo aan magaceeda dib kasoo gudbin doonno ayaa Gabaygan waxay ku muujisay Erayo si weyn usoo jiitay dhegaha Shacabka Beesha Biimaal, waxaana halku dhig ay kga dhigtay Gabaygeeda “Naftaa loo huraayoo Holac loo maraayoo Habeen iyo dharaar iyo Cidla looga hoydaa”.

Erayada kale ee ku jira Gabaygan ayaa waxa ka mid ah “Hadafkeena guud iyo halgankeenna dheer iyo, howsha maanta lagu jiro ha moogaan dadkeygow,  gumaadkiyo Gumeysiga haraadkiiyoo Boobkaa, hangooshaa ino xirey ha hilmaamin weligiin”.

“Halgamaaga Ciidiyo horseedkii dalkeygow heybadeeda Gobonimo Cidla lagama helaayoo, Naftaa loo huraayoo Holac loo maraayoo Habeen iyo dharaar iyo Cidla looga hoydaa”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE