Dhageyso Gudoomiye Cabdulaahi Waafow Oo Sheegay In Beertii Maanta Weerarka Ay Ku Qaadeen In Mudda Ah Ay Aruurinayeen Xogteeda

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa waxa uu faafaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Cabdulaahi Waafow ayaa marka hore sheegay in Ciidamada deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin Maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen Beer ku taalla Bariire oo saldhig u aheyd halkaas oo uu sheegay in dhawaanahan ay aruurinayeen xogteeda.

Waxa uu intaa ku daray in uu jiro khasaare xoogan oo ay gaarsiiyeen dhinacii ay weerarku ku qaadeen isagoo meesha ka saaray in Ciidamada deegaanaka ay kusoo jabeen weerarka ay qaadeen, waxaana uu tilmaay in saacadaha soo aadan ay faafaahinno dheeraad ah ay ka bixin doonaan dagaalka iyo khasaaraha uu sababay.

Beerta Maanata la weeraray ayaa waxa xoog ku haaysta Qab qable lagu magacaabo Xuseen Mooryaan, waxaana fariisin ku leh Mooryaan ka tirsan Habargidir iyo Maleeshiyaad Shabaab ah oo isbaheysi ku galay inay la dagaalmayaan Ciidamada deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran