Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Axmed Madoobe Uu U Diiday In Uu Ansaxiyo Liiska Xildhibaanada Ee Lagu Doortay Kismaayo (Xog)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka horymid in uu ansixiyo Liiska Xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka Sare ee doorashooyinka lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Sababta ka dambeysa in Axmed Madoobe uu diido saxiixa Liiska Xildhibaanada labada aqal ayaa lagu sheegay in uu soo jeediyey laba Shuroodood oo ku adkaatay Gudiga Doorashooyinka dad badan ee ku shaqada leh arimaha Doorashooyinka.

War Madaxbanaan oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheeagay in Madaxweyne Axmed Madoobe shuruudo ugu horeysa in uu ka dhigo xalinta tabashooyinka Maamul Goboleedka Puntland oo uu ka qabo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Shuruudda labaad ee uu soo jeediyey Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay in dhamaan Maamul Goboleedyada ilaa ay kasoo dhameeyaan in aan la ansaxin doonin xildhibaanada Kismaayo lagu doortay.

Maanta ayaa waxa lagu waday in Magaalada Kismaayo lagu ansixiyo Xildhibaanada aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open