Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacay Beer Ku Dhow Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Bariire.

Dagaalka oo ay qaadeen Ciidamada Maamulka Nambar 50 iyo saaxiibadooda Amisom ayaa markii hore wuxuu ka dhacay Beer ku taalla Bariire oo uu xoog ku haaysto qab qalbe lagu magacaabo Xuseen Mooryaan, halkaas oo saldhig u ah Maleeshiyada Ashabaab.

Waxa lagu soo waramayaa in dagaalka uu ku fiday ilaa qeybo ka mid ah Bariire oo weerar ay kasoo qaadeen Maleeshiyaad Alshabaab ah, waxaana halkaas leysku dhaafsaday rasaas culus oo dhinacyada dagaalamayey ay isku ridayeen.

Ciidamada Maamulka Nambar 50 iyo kuwa Amisom ayaa waxa u suuragashay in ay la wareegaan Beerta uu xoogga ku haaystaya Xuseen Mooryaan iyo deegaanka Bariire, waxaana halkaas ay kusoo furteen hub iyo  rasaas ay ka carareen Maleeshiyada lala dagaalamyey.

Inta ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada deegaanka ilaa laba askari ayaa kaga dhaawacantay howlgalka, halka ay khasaare culus ay gaarsiiyeen Maleeshiyada burcada ah ee Shabaab.

Ma jiro wax war ah kasoo baxay Maamulka Nambar 50 oo ku saabsan howlgalka ay ku qaadeen fariisimiyaal ay Shabaabka ku leeyihiin deegaanka Bariire halkaas oo weeraro ay kaga soo qaadaan Nambar 50 iy0 nawaaxigeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open