Boobka Hantida Shacabka Ee Ka Socda Degmada Afgooye Iyo Xubno Si Sharci Dara Ah Ugu Magacaaban Xilal Been Abuun Abuur Ah (Warbixin)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isku duwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobolka Shabeelada hoose ee Wasaaradda Maaliyadda u magacaabay Mooryaan kasoo jeedda deegaanada Galmudug (Gobolada dhexe).

Shaafici Axmed Cali (Caqoore) oo ah Shakhsiga loo magacaabay Isuduwaha oo lagu bedelay Qooley oo ku halaagsamay qarax ka dhacay Afgooye, ayaa shakhsiyaad si sharci dara ah u keenay xafiiska ugu yaalla degmada Afgooye.

Inta badan xubnaha ka shaqeeya xafiiska Afgooye ayaa kasoo jeeda Beelaha Abgaal iyo Habargidir kuwaas oo lagu abaal mariyey xilal sharci dara ah oo qaarkood aan ka diiwan gashaneyn Wasaaradda Maaliayadda K/galbeed.

Dhaqaalaha ku baxa Shakhsiyaadkan ayaa gaaraya tobanaan kun doolar Bishii halka maalintii uu ku baxo boqolaal doolar, lacagahaas oo intooda badan ku baxa qayilaadda iyo tasiilaadka gaarka ah ee ay isticmaalaan.

Hadaba Warbaahinta Daafeet Media ayaa shax ka diyaarisay shakhsiyaadka sida sharci darada ah ugu magacaaban Wasaaradda Maaliayadda ee K/galbeed iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan.

sh-hoose sh-hoose-2

Ma ogtahay Lacagta Guud ee maalintii ku baxda Shaqaalahan oo isugu jira kuwo u diiwaangalsan Wasaaradda Maaliyadda KGS iyo kuwo si tuugeysi ah loosoo geliyey Shaqada:

Maalintii shilig somali waxaa ku baxa 20,170,000 halka marka dollarka mareykanka loo bedelo ay ku baxdo $ 840.42 dollar, halka bishii ay noqoto shiling somali 605,100,000 kolka dollarka mareyka loo bedelana ay gaareyso $25,212.5 oo dollarka mareykanka lacagta sanadkii ku baxda 12 ruux ayaa sanadkii waxaa ay kor u dhaafeysaa shiling somali 7,261,200,000 ama 302.550 dollarka mareykanka.

Mase la socotaa Xubnaha Liiskaan 12 kamid ah Wasaaradda Maaliyadda uma shaqeeyaan, taasi macnaheedu waa 48% in lagu xadgudbay Habka shaqaaleysiinta ee Wasaaradda Maaliyadda ee KGS.

Mase ogtahay Xubnaha Liiskaan 90 % in ay yihiin Hawiye, 6% Miriflaha, halka 4% ay yihiin dadka deegaanka is kaleh una dhashey.

ma ogtahay Lacagta Bishii kubaxda Liiska Xubnahan oo ah ($25,212) in bishii Mushahar looga dhigi karro Hal Urur 252 Askari waa haddii la siiyo min ($100).
Fiiro gaar ah: Xildhibaan Mahad Dhoore “Habargidir/Saleemaan ah” Xildhibaan GalMudug ah oo si Kumeelgaar u jooga KGS iyo Xildhibaan Abuukar Garmaqaadhe “Abgaal/Harti Abgaal ah” Xildhibaan HirShabeele oo si Ku meelgaar ah u jooga KGS: waxay maalintii qoondo ahaan Afgooye ugu qaataan qofkiiba $200.00, taasoo ka dhigan in maalintii ay qaataan ($400) Afar Boqol oo Doolar Maalintiiba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran