Ciidamada Amaanka Ee Dalka Kenya Oo Heegan La Geliyey Ka Dib Markii Ay Heleen Fariimo La Xiriira….

Saraakiisha Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay iney heegan sare galiyeen Ciidanka ammaanka dalkaas kadib markii ay heleen xog la xiriirta in Al-shabaab ay qorsheynayaan iney weeraro ka fuliyaan Magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney heleen Macluumaad ku saabsan in Kooxda Al-shabaab ay maleegayaan weeraro Argagixiso ah oo ay ka geystaan Magaalada Mombasa maalmaha Ciida Christmas-ka.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay iney ciidamo dheeraad ah geeyeen goobaha muhimka ah ee ay ka mid yihiin Garoomada Diyaaradaha iyo Goobaha laga Dukaameysto ee kuyaalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya si looga baaqsado weeraro dhaca.

Magaalada Xeebeedda Mombasa ayaa xilliyada qaar waxa ka dhaca falala argagaxiso oo ay geystaan Maleeshiyada Alshabaa, waxaana weeraradaas khasaare uu kasoo gaaraa dad Shacab ah oo qaarkood ay ku jiraan Somali Kenyaatiga halkaasi degan.

Sanadkii 2015-kii ayaa weerar ka dhacay Jaamacadd k u taalla magaalada Gaarisa waxa lagu waxyeelay Ardey badan oo wax ka baraanaayey Jaamacdda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran