Dhageyso Qabqablayaasha Habargidir Oo Isku Bedelay Afahayeenno U Hadla Maleeshiyada Shabaab, Iyo Baroortooda Oo Markan Kusoo Koobantay Eedeynta Amisom

Qabqablayaasha xoogga ku haaysta Beeraha ku yaalla duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa isku bedelay afahayeenno u hadla Maleeshiyada Alshabaab.

Weerarada ka dhaca deegaanka Bariire ee lagu beegsado saldhigyada iyo xarumaha Maleeshiyada Alshabaab ayaa howlgaladaasi waxa muranno iyo falcelin ka keena qabqablayaal xoogg ku haaysta Beero ay iska leeyihiin dadka Shacab ah, waxaana booskii Afahayeenka Shabaab galay Qabqablayaasha oo Beeraha ay haaystaan saldhigyo uga dhigay Shabaab.

Dhinaca kale afahayeedan Cusub oo isku dara calaancalka iyo Eedeymaha ayaa qeyla dhaantooda waxay kusoo koobeen in Ciidamada Amisom ay ku eedeeyaan teegeero hagar la’aan ah in ay u fidiyaan hogaanka Ciidamada deegaanka Cabdulaahi Cali Axmed Waafow.

Laba sano ka hor Mooryaanta iyo qabqablayaashooda ayaa Hogaanka Ciidamada deegaanka waxay ku eedeyn jireen in ay taageero ka helaan Alshabaab hase ahaatee bilooyinkii dambe ayaa waxay bilaabeen in Ciidamada deegaanka ay ku shaabadeeyaan in laga taageero xerooyinka Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE