Dhageyso Wasiirad Binti Ibraahim Cali Oo Sheegtay In Daryeel Loo Fidinaayo Caruurta Derbi Jiifta Ee Ku Dandareysan Deegaanada K/galbeed

Wasiirad Binti Ibraahim Cali oo sii haaysa xilka Wasaarada Haweenka qoyska iyo xuquuqul insaanka Maamulka Koonfur galbeed ayaa war kasooxsaartay Caruurta Derbi jiifka ah ee dandarada ay ku haayso deegaanka hoos yimaada K/galbeed.

Marwo Binti ayaa marka hore sheegtay in ay wadaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo daryeeli lahaa Caruurta Darbibiyada ku hoyda ee ku dhaqan deegaanada Koonfur galbeed oo ay sheegtay in xil uu ka saaranyahay wasaaradda sidii daryeel loogu fidin lahaa.

binti

Shir ka dhacay Magaalada Baydhabo ayey Marwo Binti ka sheegtay in Ciyaalka Soomaaliyeed ee Derbiyada maciiin bidey la badbaadinayo noloshooda islamarkaana loo sameenayo waxbarasho lacag la’aan ah iyo daryeel Aadannimo si ay u noqdaan kuwo ku filnaada Mustaqbalkooda dhow iyo kan fog.

Wasaaradda Haweenka Maamulka Koonfur galbeed ayaa ka mid ah wasaarado fara ku tiris ah oo qabta shaqooyin kala duwan oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada iyo daryeelka dadka taagta daran.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE