Kooxo Hubeysan Oo Xalay Weerar Gaadma Ah Ku Qaaday Deegaanka Buula-xaansho Oo Hoos Tagta Degmada Nambar 50

Kooxo tuuga ah ayaa xalay waxay weerar gaadma ah ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Buulaxaansho oo aad ugu dhow degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Weerarka oo dhacay xalay fiidkii ayaa lagu soo waramayaa in ay qaadeen kooxo ku hubeysan qoryaha fudfud kuwaas oo rasaas ku furey dad xoola dhaqata u badan oo ku dhaqan Deegaanka Buulaxaansho.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in deegaanka ay kasoo galeen meel gees ah halkaas oo ay kasoo fureen rasaas, iyadoo markii da,be ay baxsadeen.

Waxa goobta rasaasta ay kasoo fureen deg deg ku gaaray Ciidamada deegaanka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn halka lasoo weeraray, waxaana inta aanay meesha gaarin goobta ka baxsaday Tuugada rasaasta soo furtay.

Rasaasta lagu asqeeyey deegaanka Buulaxaansho ayaa waxa dhaawac fudud uu kasoo gaaray mid ka mid ah Haweenka ku dhaqan deegaanka oo rasaas ay ka sartay garabka, iyadoo dhaawaceeda uu yahay mid aad u wanaagsan.

Kooxo burcad ah oo k udhuumaaleysanaya deegaano hoos taga Awdheegle ayaa xilliyada qaar waxay weeraro gaadma ah ku qaadeeen deegaano ay ku dhaqanyihiin dad aan hubeysneyn oo xoolo dhaqata ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran