Maleeshiyada Alshabaab Oo Soo Bandhigay Diyaarada Drone Ah Oo Shalay Ay Ka Heleen Gobolka Shabeelada Hoose (Sawiro)

Maleeshiyaadka wajiyada soo duubtay ayaa soo bandhigay Diyaarad nooca wax basaas ah oo shalay gelinkii gelinkii hore kusoo dhacday deegaan ku dhow degmada Awdheegle.

Diyaaraddan oo ah nooca loo yaqaan Drone-ka ayaa waxaa hareeraha ka taagnaa dhowr maleeshiya ah oo wajiyada ay u xeranyihiin, waxaana la ogeyn halka lagu soo bandhigay, laakiin waxa la tuhunsanyahay in deegaano hoos taga Awdheegle lagu soo bandhigay.

Diyaaradan oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa la aaminsanyahay in shaqooyin sirdoon ay ka haaysay deegaanada y maamulaan Maleeshiyada Shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysay diyaarad nooca Drone-ka ay gacanta u gasho Maleeshiyada xag jiriinta ee Alshabaab, waxaana inta badan diyaaradaha ay helaan ay kusoo dhacaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

dsc05763 dsc05771 dsc05772 dsc05778

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open