Musharax Cali Xaaji Warsame Oo Ka Digay Musuqmaasuqa Lagu Haayo Doorashada Iyo Isbedelka Jadwalka Doorashooyinka

Musharax Cali Xaaji Warsame oo horey Wasiir uga soo noqday Maamul Goboleedka Puntland hadana kamid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay musuq-muusuq uu sheegay in doorashada dadban uu hareeyay .

Waxaa uu tilmaamay in ay ka war-qabaan musuq-maasuqa ,isaga oo ka digay in mar kale lagu xad-gudbo jadwalka Doorashada Soomaaliya oo dib loo dhigo maadaama dhowr jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid.

Cali Xaaji Warsame ayaa ka digay in doorashada la qabto iyada oo aan la soo dhamaystirin xubnaha ka harsan aqalka hoose ee Soomaaliya, oo weli doorashooyinkooda ay ka socdaan maagaalooyinka ay ku shaqeenayaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Musharxaiinta u tartameysa doortashada Madaxtinimo ee dalka ayaa si aad ah uga soo horjeeda isbed bedelka jadwalka doorashooyinka, dhawaan warbxin gudiga heer fedaraalka ee doorashada uu soo saaray ayuu ku sheegay in bisha janaayo ee horaanta sanadka cusub ay dhaceyso Doorashada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran