Wararkii Ugu Dambeeyey Duullaanka Puntland Ay Ku Qaadey Magaalada Qadiimiga Ah Ee Qandala

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay Ciidamada Difaaca ee Puntland ay sii wadaan howlgalka dib u xoreynta magaalada Qadiimiga ah ee Qandala, halkaas oo ay ku xooganyihiin Ciidamada taabacsan kooxda Daacisha.

Waxayna ciidamada oo dhawr jiho uga yimid magaalada ay u jiraan in ka badan 25KM, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo Taliska ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland.

Dhinaca kale Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadu howlgalo khaas ah oo ay fuliyeen ay ku bartilmaameedsadeen kooxo miinooyin aasayey, isla markaasna howlgalkaas uu noqday mid guuleystay.

Goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa degan maanta sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanadaas, waxaana sidaas oo kale wali la raadinayaa kooxo baxsad ah oo ka firxaday dagaalkii shalay.

Taliska ciidamada Difaaca Puntland ayaa sheegaya in ay saacadaha dhaw soo afjari doonaan howlgalkan oo uu noqon doono mid gabi ahaanba kooxahan looga sifeeyo magaalada Qandala iyo deegaanada xeebaha ku dherersan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE