Wasiir Maxamed Xasan Fiqi Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Baydhaba Ka Dib Safaro Uu Ku Kala Tagay Dalal…

Ku siamaha Madaxweynaha Koonfur galbeed ahna Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Wasiir Maxamed Xasan oo safaro kala duwan ku tagay Wadanka Kenya iyo kuwo kale ka dib markii shaqooyin iyo casuumado ay soo gaareen, waxaana uu soo dhameystay dhamaan howlihii kala duwanaaa ee Safarka uu u galay.

Dhinaca kale mar Wasiir Maxamed Xasan uu wareysi siiyey warqbaahinta Maxalliga ah ayuu ku sheegay in Siminaaro iyo shaqooyin kale uu tagay magaalada Nayroobi, halkaas oo uu tilmaamay in xarumo ay ku leeyihiin hey’ado saaxiibo la ah Maamulka Koonfur galbeed.

War dhawaan soo baxay oo sheegayey in Wasiir Fiqi uu ku xanuunsanyo Magaalada Nayroobi ayuu Beeniyey isagoo markaas sheegay in Caafimaadkiisa uu aad u wanaagsanyahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran