Xantii qurbaha Oo Xadhkaha Goosatay !! WQ/Khadar Aar

Xantu in ay xun tahay qofna halkan uga sheegi maayo,waayo ma jiro qof jecel in la xanto,qofkastaba waxa uu dadka ugu neceb yahay qofka loo sheego in uu xamanayay.

Qoraalkan ugama jeedo in xanta iyo xumaanta ay leedahay aan halkan kaga faaloodo,balse waxa aan qalinka u qaatay in aan intii karaan kayga ah aan wax ka qoro ,waxyabaha ay kaga duwan tahay xanta qurbahi midii wadankeena.

Xanta iyo qofka oo wax laga sheega maaha wax fiican , hadii dalkii la joogo iyo hadii qurbaha la joogo, waa isugu mid xani waa xan waana xumaan iyo xasad,midkastabana waxa ay ku gaynaysaa Naarta.

Hadaba madama wakhtiyadan danbe dadkii Somaliyeed in badan oo ka mida ay dibadaha usoo baxeen,waxa ay ahayd in lays jeclaado marka qorbaha qariibka lagu yahay loosoo baxo ,laysna soo dhaweeyo.

Balse akhriste ma ogtahay in xantu ay ku badan yahay wadamada dibada,ma la socotaa in xanta iyo xasadka yaala wadamada dibada ay shan-laab ka badan yihiin kuwii yaalay dalka gudahiisa.

Hadii aan si gaar ah u calamadiyo ,isla markana aan wadamada ay xantu aadka uga jirto aan si kooban wax uga iftiimiyo,waxa aan isleeyahay malahayga iyo aqoontayda gaaban, waxa ugu badan wadamada Yurub,.Maraykan,Kanada,Ustaleliya iyo dhamaan wadamada Gaalada.

Akhriste ma isleedahay ama marnaba ma ka fikirtay maskaxdaadana ma kusoo dhacday in dadka Somalida ahi wadanba wadanka ay kaga yar yihiin ay kaga xan iyo xaasid badan yihiin.

Waa wax lala yaabo,caqliga iyo garaadka fiicana waxa uu dhigayaa in wadankasta oo dad walaalo ahi ay ku yar yihiin ,waxa ay ahayd in ay ku walaalobaan,balse taasi mid ka gadisan ayaa taala wadamadan loosoo dhoofay .

Marka aan ku leeyahay ,Somalidu wadanba wadanka ay kaga yar yihiin,ayay kaga xan badan yihiin,kagana xasab badan yihiin,waxa laga yabaa in aad istidhaahdu malaha qabiilkii iyo qabyaladii ayaa keenaysa Xantaasi, maya maya,”xaashaaaaaaa” waxaaba is xamanaaya labadii isku qabiilka iyo deegaanka ka wada-yimi.

Su’aasha meesha ku jirta hadaba waxa ay tahay,waa baxay sababta keentay in Xantu ay ka badato xantii aynu wadankeena ku haynay ?

Su’aasha labaad ee iyaduna iswaydiinta lihi waxa ay tahay,madamaa ay dadkani yihiin kuwo tirayar ,isla markana ay ahayd in ay cadawga iyo nacabkaba iska dugsadaan,waa maxay waxa sababaaya in ay is xantaan dabadana isu jeediyaan?

Su’aasha sadaxeed, ee iyaduna meesha ku jirta ayaa waxa ay tahay,Raga iyo Dumarka kee ayaa ku badan xanta?waxaa laga yaaba in markaaba ay maskaxdaada kuso dhacdo jawaab odhanaysa,Raga iyo Dumarka waxaa Xanta ku badan ,horana loogu yaqaanay Dumarka,balse iyadana waa aynu ka jawaabi doonaa.

Sida aan akhristayaal hore idiinku soo sheegay,xantu waxa ay ku badan tahay qurbaha,runtii waxa laga yabaa in wadamada Carabta ,Afrika iyo dhamaan Aasiya oo dhamina in ay la mid yihiin,balse anigu waxa aan hada ka faaloonayaa waa wadamada Gaalada iyo Xantu heerka ay gaadho.

Waa maxay sababta Xantu Qurbaha ugu badatay?maxase la isu xamanayaa?

Waxa aan isleeyahay,sababta keentay in xantu ay qurbaha sida Fayriska ugu faafto waxa sabab u ah:-

1.Waxaa wadamadan isugu yimi,dhamaan dadkii Somaliyeed ee kala wada aqoonta duwanaa,waxaa guri iyo gabood wada galay dad aan aqoon ahaan is hawaysan karin,waligoodna aan makhayadaha kawada shaahi jirin.

2.Waxaa miis ku wada cunteeyay,meelna soo wada fadhiistay,aqoontii iyo Jaahilkii,wadaadkii iyo wabiinkii,kornaylkii iyo dablahii ,abwaankii iyo abaydinkii ,tariikh yaqaankii iyo tamar-laawihii,taajirkii iyo faqiirkii ,jamicigii iyo kii aan waligii aluf ba-loo bilaabin ,kadibna waxaa wada murmay laba maskaxood oo kala gadisan,midkastana ay nolosha u taqaano si gooni ah.

3.Waxaa fikir iyo aaraa is’waydaar saday,aqoon-yahaankii ,caalimkii Diinta yaqaanay,Ilbaxii xadarada iyo waaya-aragnimada dunida yaqaanay ,kadibna waxa kasoo horjeestay oo nolosha Qurbahi ay sintay qof markii dalka joogay aan talo iyo tusaale toona la waydiin jirin.

4.Waxa la iskaga hor yimi,sheekaduna isu qaban wayday, nin wayn oo wayeel ah,aqoon iyo waayo aragnimana laga fa’idaysan lahaa,kadibna waxaa muran madhalays ah kala horyimi wiilyar oo dhalinyara ah,ay dhici kartana in uu naaskii hoyadii uu ilaa iminka irmaan yahay,aduunkana ay maanta ugu horayso.

5.Waxaa kulmay siyaasi ruug-cadaadi ah iyo siyasi ismood, ku hadal bartay goobaha fadhi ku dirirka iyo alada Internetka sida facbook,youtoba iyo websityadu wararka ay qoraan.

Waxa kaloo iyadana Xantu in ay qurbaha ku badato sabab u ah:-

1.Xantu waa ay jirtay markii dalka la joogayba,balse qofka xanta iyo xaasidka ku baasi,marka uu joogay magaladiisa,waxa laga yaaba in uu maalintii xaman jiray dad aad u farabadan, balse magalada uu joogo oo dad badani ay ku noolayeen awadeed,waxa sabababaysay in aan la ogaan in uu qofkaasi yahay mid xan badan,mujtamaca uu ku dhexnolaana waxa uu ahaa mujtamac mid yaqaana qofkani waxa uu yahay hada iyo wuxuu soo ahaan jiray.

2.Waxa kaloo dhacaysay in qofku marka uu dalkii joogay in hal qof oo uu maanta Xantay uu arko Sanad ama ka badan,iyada oo ay dhacaysay in qofkaasi la xantay aanu ogayn in uu qofkani xantay iyo inkale,balse qurbaha waxa dhacaysa in hal magaalo aad ku wada degan tihiin 20 qof,kadibna waxaa khasab noqonaysa in la is xan ogaado.

Waxyabaha aadka loola yaabo waxaa ka mida,in magaalo aad ku aragto in ay wada degan yihiin dad aan ka badnayn 10 qof oo kaliya,kuwaasi oo haybta iyo nolosha waxkasta wadaaga,hadana waxa dhici karta in 10 kaasi ay Xan iyo xaasid isku naceen.

Mararka qaar waxa aad is odhanaysaa madamaa ay dadku ku yaryihiin wadamadan qurbaha,malaha Xantu waxa ay ku fiic naan lahayd in ay dadku magaalo kasta oo ay ku badan yihiin ay xantu ku yartahay.

Waa run, anigu taas waan rumays nahay ,marka dhinac laga eego,sababta oo ah,waxa aad arkaysaa magaalo ay dadku ku badan yihiin oo ay xantu waxoogaa ku yar tahay,taas macnaheedu maaha in aan la is Xaman,balse waxa ay ku kala gadisan yihiin,magalada dadku ku badan yahay wa ay adag tahay in uu qofku hore u maqlo in la xamanayo,balse magalada ay dadku ku yaryihiin ama ay 10 qof iyo waxaan dhaamin ku jogaan Xantu waa ay ka orod badan tahay.

Layaab*muddo hada laga joogo dhawr bilood ,ayaan waxa aan soo booqday,magaalo yar oo Tuulo ah,waxa aan ugu imi laba qof oo Somali ah oo magaladaasi yar wada degan, isla markana ma jirto cid kale oo Somaliya oo ku wehelisaa.

Markii aan magaladii imi ,ayaa waxa an ogaaday in labada qof ee Somalida ah uu midiba xaafad gooniya degan yahay,waxa laga yabaa in aad istidhaahdo malaha waxa ay isugu iman wayeen nidaamkan qabiliga ah ee Somali maanta kala wada qoqobay ama dawlada ayaa midkasta guri gaar ah siisay,,xaasha maaha sidaas labaduba waa isku hal qabiil,waxanay ka wada yimadeen hal magaalo,sidooy tahayna waa laba nin oo saxiib hore ahaa.

Markii aan magaladii aan imi,waxa isoo dhaweeyay mid ka mida,balse sheeko na dhex martay markiiba waxa uu si aan gabasho lahayn ila xantay kii kale,isla maalintii kale ayaa isna waxa si gaar ah uu casuumay Somaligii kale *kadar oo dibi dhal,waxa uu si xun isna iila xantay saxiibkiisii kale.

Waxyabaha u dhaxeeya marka aad u fiirasato labadaasi nin,waa wax aan *Sakaaro-ka biirsan,balse intii karaan kayga ah waxa aan isku deyay in aan dhexdooda islaax ka sameeyo.

Waxyabaha kale oo wadamadan Galada Xantu ugu badatay ayaa waxa kamida,noloshan wadamadan oo dadkii sintay ,kana dhigtay Ul iyo diirkeed,balse waxaa khasab noqon wayday in laga sinmo ,dhinacyadii garad iyo iyo aqoonta,kadibna waxa halkaasi kasoo baxay is-fahamwaa keenay in hoos la isu Xanto.

Qofkastaaba waxa uu Xantay qifkii uu islahaa waa uu kaa aqoon badan yahay,qofkasta oo aqoon dheeraada ama waaya-aragnimo dheeraada wadamadan la yimi,waa ay ku adkaatay in uu la jaanqaado,dadkii uu islahaa aqoon ayad dheertahay-

Sidoo kale dadkii wadamadan yimi, iyaga oo aan dhinacyo badan aan ka dhismayn,iyagana waxa ku adkaatay in ay isu dhiibaan qofkii ay islahayeen in uun waa uu ka aqoon iyo ilbaxnimo badan yahay-.

Waxyabaha kaleee yaguna Xanta si xoojiyay waxa ka mida,kartidii iyo dadaalkii oo markii wadamadan la yimi lagu kala gadisnaaday,qofku aqoon maadiya ama mid diiniya ha yeesho balse hadana waxa laga sinaan waayay dhinacii kartida.

Waxaa kaloo dhacday in dad Rag iyo Dumarba leh, lagana yaabo in aanay aqoontooda maadiga iyo mida Diinigaba in aanay waxba ka aqoon ,ayaa hadana markii ay noqotay dhinaca dadaalka iyo kartida,waxa ay noqdeen kuwa la majeerto dhinaca shaqooyinka iyo dalkan sida ay ula qabsadeen.

Waxa kaloo jira,dad wakhtiyo hore yimi wadamadan Gaalada balse wali aad moodo in ay jogaan wadankii,taas waxaan uga jeeda ma yaqanaan luqada lagaga hadlo dalkan ay joogeen sanadaha,halmaalin waxa laga yabaa in aanu shaqo tagin,waayo maxay ayuu ku shaqo tagi hadii wakhtigiisiiba uu ku lumay qadashada Caydha iyo sheekada,taas lafteedu waxa ay keentay in la is Xanto waana meelaha aadka ay Xantu ugu badan tahay.

Waxyabaha aan aadka u xasuusto waxaa ka mida,waxaa hal qol la isugu keenay 4 Afar qof ,oo midkastaba ka yimi meel gaar ah,waxa ka mida sheekh wadaada oo Diinta aad u yaqaana,wakhtiga Saladahiisana aan markaliya dayayicin,waxa sidoo kale iska qolka kula jira mid aan waligii Salaad fooda dhigin,mudo yar ka dibna waxa dhacday in ay iska horyimadaan.

Aniga oo aan marnaba Xanta wax fiican ku sheegayn,hadana Xantu wakhtiyadii hore waxa ay lahayd martabad iyo heer,waxa wax isla xaman jiray dad gaar ah ama isku cimriya,isku shaqo ah,khaasatan dumarku marka ay dalkii jogeen ee ay wax xaman jireen waxa ay lahayeen martabad ay wax ku xantaan:-

Tusaale ahaan: dumarka la qabo si gaar ah ayay wax u xaman jireen hablaha yaryarina xantoodu waxa ay ahayd iyana mid iyaga u gaar ah.

Mayjirin wakhtigaasi hadii ay jirtayna waa ay yarayd in Rag iyo Dumar wada jooga ay si joogta ah ay wax u wada xantaan,balse maanta arintu sidii hore waa ay ka wada gadisan tahay ,waxa wax wada xamanaaya cidii kasta ee ay dani usu keentay culimo iyo caamo rag iyo dumar caruur iyo ciroole.

Wakhtiyadii dalka la joogay,waxa aan xasuusta iyada oo hablaha yaryari marka ay afka isasaraan ee ay wax xamanayan,ay hooyoyinka iyo ayeeyoyinku ay ku yidhaahdaan naa xanta iska daaya,balse sheekadu halkan waa ay ka gadisan tahay.

Dhinaca qabiilku isaguna waxa uu qayb wayn ka yahay in Xantu ay noqoto,mid xadhkaga goosatay,balse ma jecli in aan qoraal badan ku bixiyo Xanta iyo Qabiilka xidhiidhka ka dhaxeeya ,waayo waxa aan arkay labadii isku qabiilka ahaa oo aan dhagaha isaga duwayn.

Hore waxa aynu dumarka ugu xaman jiray in ay iyagu Xanta ku badan yihiin,balse taasi waa markii dalka la joogay,markii dalka laga soo baxay waxkastaa waa ay isbadaleen,ragii ayaa Xantii ka badiyay,rumayso ama ha rumaysan,waa mid xaqiiqa.

Waxa iswaydiinle hadaba sababta ay dumarku markii hore ee aynu wadanka joognay ay Xantu ugu badnayd, ma waxa ay ahayd firaaqada iyo joogitaanka guriga oo ku badna,alaylaha haa,taasaa run ah ,hadaaban xasuustay ,waa run,waana mid jirta,waana mida maanta Raga jooga qurbaha ay ku badan tahay.

Hadaad usii fiirsato rag badan oo qurbaha jooga waxa laga yaaba qaarkood in ay halkii Bil maalin ka mida ay Suuqa u baxaan,taasi waxa ay ku tusaysaa cilaqada iyo xidhiidhka ka dhaxayn kara Xanta iyo firaqada badan ee uu qofku haysto.

Qofba qofka uu ka mashquulka badan yahay,xantisuna waa ay ka yar tahay,ninba ninka uu ka shaqo badan yahayna ,waa uu ka Xan yar yahay,hubaal Xani waa firaaqo iyo wakhtui lumis.

Hadaad doonayso in Xantu ay kaa yaraato,samayso shaqo ama barnaamij kale oo aad wakhtigaga aad galiso,waxa aad arki doontaa adiga oo Xantii ay kaa yaraatay,balse hadana iska ilaali maalmaha firaaqada aad leedahay,ha is odhan Xantii ay kaa mashquulisay shaqadu alaylahe maanta isu-keen,oo kidaabkooda wada gub.

Xantu waa shaqada xaasidka,Xantu nacaybka nolosha,ogsoonow qofba qofka uu ka Xan badan yahay, ayuu ka xaasid badan yahay,hadaad aragto qof saxiibtinimo kuu muujinaaya hadana dabadaada kaa xamanaya ,waa munaafaq loo geeyay xaasid,waana dilaa si dahsoon kuu khaarijinaaya.

عن أبى هريرة رضى الله عنة أن رسول الله صلى الله علية وسلم قال أتدرون ماالغيبة ؟ قالوا الله ورسولة اعلم .: ذكرك أخاك بمايكرة : قيل أفرايت ان كان فى اخى ما اقول ؟ قال . إن كان فية ماتقول فقد اغتبتة . إن لم يكن فية ماتقول فقد بهتة ) اى ظلمتة بالباطل وأفتريت علية الكذب

waxa abii hurayra uu ka wariyay nabiga (SCW) inuu waydiiyay ma taqaanaan xanta? markaasay ugu jawaabeen ilaahay iyo rasuulkaa naga og, waxuu yidhi waa adigoo ku sheega walaalkaa waxuuna jeclayn , markaasay yidhaahdeen kawaran haduu yahayba waxaan ku sheegnay, markaasuu yidhi hadaad ku sheegto waxuu yahay waad xamatay. hadaad ku sheegto waxuuna ahayna waad dulmiday ama waad ku been abuuratay.

qofba qofka uu ka Xan badan yahay, ayuu ka xaasid badan yahay !!

Qofka wax xantaa ,waa qof sita seef uu dadku la dhacayo ,ku dadaal in aanad waxba xaman,ajarkaga iyo xasanaadkaga ha siin qof aan ku jeclayn.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran