Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland Oo Kaabiga Ku Haaya Magaalada Qandala

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa weerar laba dhinac ah waxay ku qaadeen magaalada Qandala ee Gobolka Bari halkaas oo ay maamulaan Kooxda Daacish.

Weerar dhinaca Cirka ah iyo mid dhulka ah ayaa Ciidamada Puntalnd  waxay ku doonayaan inay kusoo gabagabeeyaan hujuumka, waxaan weli u suura gelin in ay qabsadaan difaacyadii ugu cuslaa ee ay ku sugnaayeen Ciidamada Qandala, waxaana Ciidamada lagala horymid qaraxyo iyo iska caabin xoogan.

Taliyaha Ciidamada Badda ee Puntland Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa beeniyey in Ciidamada badda ay u gudaha u galeen Qandala isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in Ciidamadooda ay qabsadeen Difaacyada kooxda Daacisha ku sugnaayeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaayo Ciidamada weerarka ku ah Qandala ayaa kusoo waramaya in Ciidamada shalay ilaa maanta in ay ku suganyihiin meel 45-kam u jirta Qandala halkaas oo ay kala kulmeen dagaalo culus.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa ku goodiyey in ay soo afjarayaan weerarka ay ku doonayaan inay ku burbiyaaan difaacyada Ciidamada Daacisha ee ku sugan Magaalada Qandala.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran