Dhageyso Kaab Mooryaan Cali Takfiir Oo Qirey In Mooryaanta Beeshiisa Ay Ku Baaba’een Dagaalada Ka Dhacay Nawaaxiga Degmada Nambar 50

Kaaba Mooryaan Cali Nuure Maxamed (Takfiir) ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta Mooryaanta taageerta ayaa qirey in Maleeshiyada Beeshaiisa ah ay ku jabtay dagaallo ka dhacay nawaaxiga degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada hoose.

Waxa uu qirey in Sanado ka hor Maleeshiyaad ay ku dagaalami jireen qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose hase ahaatee Maleeshiyada Beeshiisa oo ku go’dey dagaalada ay sababtay in ay meesha ka baxaan, ayna hada soo hareen Ciidamada deegaanka oo si buuxda u maamulaya degmada Nambar 50 iyo hareeraheeda.

Dhinaca kale waxa uu dafirey in Maleeshiyada joogta Marka ee kasoo jeedda Beeshiisa oo isku dhiigbay Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in weli ay haaystaan qeybo qeybo ka mid ah Marka oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Beesha Biimaal.

Hadala isdhaafsan ee kasoo baxaya qabqablayaasha iyo Kaabamoortyaanta Habaragidir ayaa cirka isku shareertay, waxaana sidoo kale ay qirayaan in ay ka guurayaan Beeraha ay xoogga ku haaystaan hadii ay sii socdaan weerarada iyo howlgallada lagu bacsanayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open