Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaaday Ee Xasan Sheekh Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlada Fedaraalka Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta lagu wadaa in uu safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Safarka Madaxweynaha oo la sheegay in uu la xiriiro sidii uu kulamo ula soo qaadan lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa labada dhinac waxay ka wada hadli doona sidii Xasan Sheekh uu taageero uga heli lahaa xildhibaanada lagu doortay Kismaayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu furfuri doono arimo siyaasadeed oo ka taagan Kismaayo oo safaro kala duwan ay ku kala tageen xubno siyaasad ahaan ay isaga soo horjeedaan doorashooyinka qabsoomi doona horaanta sanadka soo aadan kuwaas oo ololahooda ka bilaabay deegaanada Maamulka Jubbaland.

Waxa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka xunyahaya shuruud dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku xirey saxiixa Xildhibaanada la doortay ilaa laga xaliyo tabashooyinka ay qabaan Maamulka Puntland.

Maalinnimadii Jimcaha Magaalada Kismaayo waxa safar ku tagay Raysalwasaaraha xukuumada waqtigeedu dhaamaday, waxaana Cumar C/rashiid uu halkaasi ka sheegay in loo baahanyahay in isbedel uu ku yimaado hogaaminta dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran