Madaxweyne Shariif Xasan Oo Dhabar-jab Siyaasadeed Kala Kulmay Dowlada Itoobiya (Wrabixin)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmo ka hor safaro ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waji gabax kala soo laabtay safarkiisa.

Warara kala duwan oo aan ka heleyno Xildhibaano iyo siyaasiyiin u dhuun daloola Madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa sheegaya in safarkii Madaxweyne Shariif uu maalmo ka hor ku tagay dalka Itoobiya uu kusoo guul dareystay in wax mira dhal ah uu ka keeno safarkiisa.

Ilaha xog ogaalka ah ee warakan aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyey in Shariif uu kulamo la qaatay madaxda dalkaasi Itoobiya oo uu u gudbiyey hamigiisa siyaasadeed iyo qorshaha uu rabo in uu ku hogaamiyo dalka hadii uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Waxa la sheegayaa in Madaxda uu la kulmay ay ku gacan seyreen soo jeedintiisa ayna u sheegeen in ay diyaarsadeen siyaasiyiin ay u arkaan in ay ku taageeraan doorashada dhici doonta bartamaha bisha Janaayo ee horaanta sanadka cusub.

Siyaasad ahaan ayaa waxa la leeyahay in Madaxweyne Shariif uu isbedelay isagoo hada usoo jeestay sidii uu ugu dagaalami lahaa kursiga afahayeenka Baarlamaanka, waxaana Muqdisho uu ka wadaa olole ku aadan sidii Musharxaiinta qaar ay u taageeri lahaayeen shakhsiga uu wato.

Dhinaca kale saacadaha soo aadan ayuu Madaxweyne Shariif wuxuu dib ugu laaban doonaan Magaalada Baydhaba, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka ee maanta la dhameystirayo doorashadooda.

Musharaxanimada Madaxweye Shariif ee u tartamidda kursiga ugu sareeya ee laga maamulo dalka ayaa ujeedada ka dambeysa markii hore lagu sheegay in y tahay sidii uu uga macaashi lahaa 69-ka mudane ee maamulkiisa uu ku leeyahaya Baarlamaanka fedaraalka, xubnahaas oo uu doonayo in uu kula gorgortamo Musharaxa uu u arko in uu siyaasadiisa uu socodsiin karo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE