26.5 C
Marka
Sunday, July 23, 2017
گیاهی ترین گیاهی ترین AnzanDigital فروشگاه
Ray’salwasaaraha Talyaaniga Oo Iscasilay Ka Dib Guuldarooyin Kasoo Gaaray Afti Dalkaasi Ka...

Ray’salwasaaraha Talyaaniga Oo Iscasilay Ka Dib Guuldarooyin Kasoo Gaaray Afti Dalkaasi Ka Dhacday (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha dalka taliyaaniga, Matteo Renzi, ayaa sheegay in uu iska casilay xilka Ra’iisul wasaaraha dalka taliyaaniga ka dib markii looga guuleystay aftidii loo qaaday is bedel lagu sameeyo dastuurka dalka.
Shir jaraa’id oo xalay uu qabtay wuxuu ku sheegay inuu qaadayo masuuliyadda natiijada ka soo baxday aftida.laga qabtay

Siyaasiyiintii u ololeyneysay diidmada isbedelka ayuu ugu baaqay inay qorshe cad soo gudbiyaan.Ra’iisul wasaaraha dalka taliyaaniga, Natiijada hordhaca ah waxay muujineysaa in “MAYA” ay ku horeyso 60 boqolkiiba, halka “HAA” ay heshay boqolkiiba 40.

Dadka u soo baxay codeynta waxaa lagu qiyaasayaa boqolkiiba 70, taas oo keentay in dad badan ay diidaan dalabka ra’iisul wasaaraha iscasilay.

renzi_1 renzi_2 renzi_3 renzi_4 renzi_5

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE