Safaarad Been Abuur Ah Oo Ku Tiilay Dalka Ghana Oo Albaabada Loo Laabay

Dowlada Ghana ayaa xirtey safaarad Maraykan oo been abuur ah kadib markii ay muddo toban sano ah ka shaqeyneysay magaalada Akra ee dalka Ghana .

Safaaradan been abuurka ah ayaa mudadaas ay furneyd waxa ay bixin jirtey fiisooyin ama dalkugal sax ah oo dalka Maraykanka lagu geli karo, iyadoo dadka soo dalbanayana laga qaadayay lacag gaareysa lix kun oo dollar sida laga soo xigtey wasaarada arimaha dibada dowlada Maraykanka.

Xarunta safaaradan oo ka koobneyd labo dabaq ayaa waxaa saqafkeeda sare ka baban jirey ama laga arki jirey calanka dowlada Maraykanka iyadoo gudaha dhismahana uu surnaa sawirka Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

“Safaaradan ma jirin cid ka socota dowlada Maraykanka oo ka shaqeyn jirtey balse dadka ka howlgali jirey ayaa isugu jirey dad u dhashay wadanka Ghana iyo dalka Turkiga, waxaana ay ku xirneyd shabakad dambiilayaal ah oo gacan ka helayay xeer ilaaliye u dhashay dalka Ghana oo baranayay sharciyada iyo arrimaha socdaalka.”ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada dowlada Maraykanka.

Muwaadiniin Turki ah oo si wanaagsan u yaqaan luqada Englishka iyo Dutchka ayaa iska dhigi jirey inay yihiin saraakiil Maraykan ah waxaana sidoo kale baaritaano la sameynayo lagu ogaaday in safaarad been abuur ah oo dalka Holland meteleysa ay sidoo kale jirtey. Hase yeeshee warka ah in safaarada Netherland laga leeyahay ay furneyd ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Safaarada Maraykanka ee rasmiga ah ee ku taal magaalada Akra dalka Ghana ayaa ah xarun si weyn loo ilaaliyo taasoo ku taal halka la yiraahdo Cantonements oo ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan ee magaalada Akra waxaana maalin walba lagu arkaa dad safaf dhaadheer ugu jira inay helaan fiisooyin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE