Shalay Mise Maanta Kaaba Mooryaan Cabdul Oo Ku Biiray Afahayeennada Alshabaab Isagoo U Hanjabay Ciidamada Amisom (Video)

Kaaba Mooryaan Cabdul oo ka mid ah Shakhsiyaadka ka macaashay dhiigga Shacabka Beesha Biimaal islamarkaana hogaan uga noqday Mooryaanta Beeshiisa Gobolka Shabeelada Hoose ayaa shalay shir jiraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho u hadlay sidii shakhsi Afahayeen u ah Maleeshiyada Alshabaab.

Shirka Jaraa’id ayuu Kaaba Mooryaan Cabdul ku sheegay inay la dagaalamayaaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom oo uu ku eedeeyey in ay la safanyihiin Ciidamada Maamulka Nambar 50.

Kaaba Mooraan Cabdul oo hilmaansan in Mooryaan isaga ka amar qaata Deegaanada Beesha Biimaal ay ka geysteen Gabood fallo isugu jira kufsi, dilal iyo Gubis ayaa Baroortiisa ay dhaafi weysay in Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwo Uganda ay ka saarayaan guud ahan dalka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran