Dhageyso Wakiilka Suldaanka Beesha Shiikhaal “Kursigii Aan Laheyn Waxa Boobay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed”

Wakiilka Suldaanka Beesha Shiikhaal ayaa war uu soo saaray wuxuu ku eedeeyey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ninkan oo sheegay in uu wakiil u yahay Suldaanka Beesha Shiikhaal oo ka mid ah 135-ta Odey ee saxiixayaasha ayaa sheegay in kurisga beeshiisa ee yaallay Gobolada dhexe uu musuqmaasuq iyo boob uu kala kacay Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in xubno isku sheegaya mas’uuliyiin ay dhibaato ku wadaan doorashooyinka socda Gobolada Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyey in dano gaar ah ay ka leeyihiin boobka iyo musuqmaasuqa ay ku wadaan xubnaha isu soo taaga doorashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE