Dowladaha Ruushka Iyo Shiinaha Oo Codka Diidmada U Adeegsaday Qaraar Un-ku Ka Gaari Lahaa Magaalada Xalab Ee Dalka Siiriya

Laba dal oo kamid ah dalalka iska leh diidmada qayaxan ee Codka VETO, Ruushka iyo Shiinaha ayaa diidmo u isticmaaley qaraar ay u codeeyeen Qaramada Midoobey oo dhigaayey xabbad joojin 7 maalmood ah oo ka hirgasha magaalada dagaalku ragfaadiyeen Alepo ee dalka Siiriya.

Qaraarka qabyada ah waxaa ka soo wada shaqeeyey dalalka New Zelean, Masar iyo Spain, waxaana ay dalbadeen in loo codeeyo 7, maalmood oo xabbad joojin ah.

Qaraarka ayaan socon kadib markii Ruushka iyo Shiinaha ay ka soo horjeesteen, Venezuela oo kamid ah 15 dal ee Golaha AMaanka ayaa iyaguna Maya u codeeyey, 11 dal oo kale ayaa Haa u codeeyey halka dal kale uu ka aamusey.

Qaraarka qabyada ah ee diidmada lagu aamusiyey ayaa dhigaayey in bariga Xalab laga saaro dadka waaweyn, kuwa xanuunsan iyo kuwa ku dhaawacmey dagaalada ee rayidka ah.

Dowlada Ruushka oo si weyn u taagersan xukuumada Bishaar Al-asad ayaa sheegaya in xabbad joojintu ay fursad siineyso mucaaradku in ay dib isu habeeyaan oo is dhisaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran