Horjoogayaasha Alshabaab Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Soo Dhaweeyey Hanjabaaddii Qabqableyaasha Habargidir U Direen Taliska AMISOM iyo Beesha Biimaal

Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa soo dhaweeyey hanjabaadda qabqablayaasha Habargidir ay usoo jeediyeen Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Iyo Beesha Biimaal.

War laga sii daayey warbaahinta taageerta Alshabaab oo uu ka hadley horjooge Shabeelada hoose jooga ayaa warkii qabqable Cabdilaahi Khaliif Rooble iyo Kaaba Mooryan Cabdul ee ay ugu hanajabeen Ciidamada Amisom Iyo Biimaal inay la dagaalamayaan uu ku sheegay mid sax ah oo looga baahanayahay in ay garteen halka dagaalka looga baahanyahay in ay ku qaadaan.

Waxa uu sheegay in Qabqablayaasha ay xaq u leeyihiin hanjabaad mar hadii ay ku dhowyihiin in ay waayaan Beero iyo dhul ay xoog ku joogeen sanadihii lasoo dhaafay, waxaana sidoo kale warka laga sii daayey warbaahinta Shabaab lagu sheegay in Habargidir ay garatay xalka difaaca dhulka ay haaysato.

Horjoogahan Shabaabka ah oo hambalyeynayey hadalada qiyaaliga ee ay warbaahinta siiyeen Cabdilaahi Khaliif Rooble iyo Cabdul ayaa tilmaamay in Ciidamada Amisom ay yihiin kuwo garab siinaya Maleeshiyaad kacdoon wadayaal ah oo Gobolka Shabeelada hoose u diiday in qori aan kooda aheyn lagu haaysto.

Qabqablayaasha Habargidir ee ka macaashay dhiiga Shacabka Beesha Biimaal ayaa isku bedelay Afahayeenno u hadla Maleeshiyada Alshabaab, waxaana dagaaladii ugu dambeeyey ee lagu qaaday saldhigyo ay leeyihiin Shabaab ka baroortay Mooryaanta xoogga ku haaysta Beeraha Gobolka.

isbaheysi

Horjoogahan oo magaciisa aan la sheegin ayaa ugu dambeyn tilmamay in Mooryaanta Habargidir ee ka dagaalameysa Shabeelada hoose iyo Alshabaab ay leeyihiin hal Cadow, maadaama ay hal dan ka wada leeyihiin Gobolka kheyraadka badan.

Mooryaanta Habargidir ayaa markii ay ku guul dareysteen in Maleeshiyada Wasaarada Gaashaandhigga ay ku qabsadaan deeganaada Beesha Biimaal ayaa isbaheysi ku kacaya Malaayiin doolar Sanadkii waxay la agaleen Alshabaab oo saldhigyo iyo xarumo looga dhigay Beero badan oo ay xoog ku haaystaan Mooryaanta si Beerahaas loogu ilaaliyo Hubka Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open