Muran Ka Taagan Halka Lagu Qaban Doono Doorashada Xubnaha Kasoo Jeeda Beelaha Waqooyi

Waxa maanta lagu wadaa in doorashada xubnaha aqalka hoose ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi lagu qabto magaalada Muqdisho.

Doorashada oo horey loo qorsheeyey in lagu qabto xarunta Gaadiidka ee Gobolka Banaadir ayaa waxa kasoo horjeestay qaar ka mid ah Beelaha waxaana ay ku doodeen in doorashada ay ka dhacdo xarunta Ciidamada Amisom ee Xalene.

Soo jeedinta Beelaha Waqooyi qaarkood ayaa waxa soo dhaweeyey Raysalwasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaama laga baqayaa in fara gelin ay ku sameeyaan xubnaha la dooranayo saraakiil ka socda Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudiga Doorashooyinka heer federaal ayaa ka biya diiday in doorashada loo wareejiyo xarunta Xalane, waxaana ay ku adkeysteen in doorashooyinka laga wareejin doonin halka markii hore loo qorsheeyey oo ah xarunta Gaadiidka ee Degmada C/casiis.

Weli waxa taagan muranka la xiriira halka lagu qaban doono doorashada, waxaana ay taasi sababi kartaa in ay maanta dib kaga dhacdo doorashada, iyadoo sidoo kale lagu soo waramayaa in ay socdaan dadaalo lagu xalinayo muranada jira.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open