Raysalwasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Ku Guuleystay Kursigii Ugu Horeeyey Xildhibaanada Aqalka Hoose

Raysalwasaare ku xigeenka xukuumadda Fedaraalka ee dalka ayaa goordhow kusoo baxay doorasho ka socota magaalada Muqdisho.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee Beelaha Gobolada Waqooyi ayaa waxa ku tartamayey Raysalwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Axmed Cismaan Ismaaciil.

Codad gaaraya ilaa 47 cod ayuu kusoo baxay Maxamed Carte halka musharaxii kale  la tartamaayey uu helay 4 cod, waxaana lasii guda galay doorashada xubnaha kale ee maanta lagu doonarayo magaalada Muqdisho.

Sida muuqata waxa lasoo fajaray muran ka taagnaa halka lagu qabanayo doorashada Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana xarunta Gaadiidka Boliiska laga dhigay halka ay ka dhaceyso doorashada labada aqal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran