Shirkii Ugu Dambeeyey Ee Lagu Go’aamin Lahaa Doorashooyinka Oo Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Soomaalida ayaa maalinnimada berri ah wuxuu shir uga furmayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo ay dhinacyadu ka wada hadli doonaan arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo xilliga la go’aamin doono doorashada.

Hogaamiyaasha ayaa kulankoodan uu noqonaya kii ugu dambeeyey, wuxuuna ku soo beegmay xili ay inta badan dhamaadeen howlihii Doorashooyinka Jubbaland & Koonfur Galbeed, halka ay wali dhiman yihiin Puntland, Hirshabelle, Galmudug & Beelaha Waqooyi.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo dhambaal qoraal ah u diray Madaxda Soomaalida ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlayo arrimaha doorashada iyo tabashooyinka kasoo baxaya qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.aW

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in sida gaar ah looga doodayo tabashada Puntland ee xubnaha gobalada Sool, Sanaag & degmada Buuhoodle ka soo galaya iyo sida laga yeeli lahaa jadwalka doorashada oo dhowr jeer isbedbedello uu ku yimid.

Qodobada la filayo in ay kasoo baxaan ayaa waxa ka mid ah in xal laga gaaro qabsoomidda doorashada oo la go’aamiyo xilliga kama dambeyska ah iyo xal ay u wada dhanyihiin dhinacyada oo dhan, iyadoo ay shirka lagu marti qaadayxubno ka socda guddiyada Doorashooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE