Dhageyso Mukhtaar Garmeelle Iyo Nabadoon Maadey Kuulle Oo War Kasoo Saaray Dhaqa Xumida Qabqablayaasha Habargidir

Mukhtaar Xasan Garmeelle oo ka mid ah Gudiga Badbaadada Beesha Biimaal iyo Nabadoon Maadey Kuulle ayaa war culus kasoo saaray dhaqan xumida sii socota ee qab qablayaasha Habargidir.

Shir jaraa’id oo si wada jir ah ay u qabteen ayey ku sheegeen in Beesha Biimaal aan weligeed looga adkaan dagaallo iyo duullaano gardara ah, waxaaana ay tilmaameen in isku day walba oo luugu duullo deeganada ay beesha degto ay kusoo dhamaadaan fashil iyo jab aan laga soo kabsanin.

“Mar Shaati dowladeed ayey soo gashanayaan, mar Beello ayey ku owr kacsanayaan, hadane waxay wataan shaarkii Shabaab, waxaan leeyahay Mooryaanta qiyaaliga ku hadlaya ha ogaadaano waxay la dagaalamayaan waa Biimaal, waxay is hayaan Wiilal Biimaal ah” ayuu yiri Mukhtaar Xasan Garmeelle.

Dhinaca kale Nabadoon Maadey Kuulle ayaa dhankiisa ku jawaabay hadalka aan laga fiirsan ee kasoo baxay qab qabalayaasha Habargidir “Shalay waxaan kusoo dhaweynay deegaanadeena, gogoashii aan u fidinay ayey ku xaareen, wax abaal ah oo ay leeyihiin ma jiro, waan diidnay in dhulkeen ay sidey rabaan noogu gumaadaan”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran