Saraakiisha Maamulka Puntland Oo Wariyeyaal U Kaxeeyey Jiidaha Dagaalka Ee Qandala

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa koox wariyayaal ah maanta u qaaday dhinaca magaalada Qandala ee Gobalka Barri, halkaas oo lagu soo bandhigi doono khasaaraha la gaarsiiyey kooxda Daacish ee ay ciidamada Puntland dagaalka kula jiraan.

Wariyaashan ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka tagay magaalada Boosaaso, waxaana lafilayaa in ay Saraakiisha Ciidamadu kula hadlaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay si toos ah u soo tusiyaan xaaladda halkaas ka taagan.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal la galay shalay iyo doraadba maleeshiyaadka hubeysan ee Argagixisada ah, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii ay goobahaas usii heysan lahaayeen.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ku dileen Horjoogayaal ka tirsanaa kooxdaas oo weerarkan ka mid ahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open