Ciidamnada Puntland Oo Si Buuxda Ula Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Qandala Ee Gobolka Bari (Sawiro)

Ciidamada difaaca Maamul Goboleedka Puntland ayaa si buuxda waxay ula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Qandala Ee Gobolka Bari.

Dagaal maalmo qaatay ayaa Ciidamada Daraawiishta ee Puntland waxa u suura gashay in ay Maleeshiyada Kooxda Daacish ay fara maroojiyaan Qandala oo ah magaalo istaraatiiji ah oo bilooyinkii lasoo dhaafay uu ka jiary jahwareer.

Ciidamada la wareegay Qandala ayaa weeraro kaga qaaday Beriga iyo badda, waxaana inta uu socday howlgalka ayaa Ciidamada Daraawiishta ay la kulmeen iska caabin xoog leh oo loo adeegsaday hubka alteriga iyo qayaxyo.

Maleeshiyada Taabacsdan wadaadka lagu magacaabo C/qaadir Muumin ayaa dib isaga gurtay Qandala waxaana ay haatan ku sugnayihiin Buuraha duleedka ka xiga, waxaana laga yaabaa in ay soo qaadaan weeraro rogaal celis ah.

Saraakiisha Puntland ee howlgalka hogaamineysa ayaa guulo muhiim ah ka sheegat yhowlgalka lagu wareegay Magaalada Xeebeedda qadiimiga ah, waxaana ay soo bamdhigeen 40-tameeyo meydad ah oo ay ka carareen Maleeshiyada Daacishta taabcsan.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo gaaray degmadda qandala ayaa u sheegay Idaacadda VOA-da  in ciidamada Puntland ay dhinac badda iyo Beriga  ka weerareen magaaladda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran