Dhageyso Sheekh Cumar Gaal-Dile “Mooryaanta Shalay Waxay Noo Yimaadeen Iyagoo Gaajeysan, Maantana Waxay Wadaan Waan Diidnay”

Sheekh Cumar Gaal dile oo ka mid ah Culimada Beesha Biimaal ayaa si adag uga hadlay gabood fallada iyo maati leyska ay wadaan Mooryaanta duullaanka ku timid Gobolka Shabeelada hoose.

Xaaji Cumar oo usoo joogay waqti badan ayaa mid mid u dul istaagay horjoogayaasha Mooryaanta oo xilligii Gobolka ay imaanayeen ku sugnaa xaalad qatar badan oo macluusha ay biday, kuwaas oo hada uu ka degi la’yahay Gobolka.

Waxa uu baaq u direy guud ahaan Shacabka kasoo jeeda Gobolka Shabeelada hoose oo uu tusiyey dhaqanka xun ee Mooryaanta Habargidir iyo duullaanada wajiyada badan ay ku qabsanayaan deeganada ay kula dagaalamayaan Ciidamada deegaanka.

Dhinaca kale Shaarka hada la diimeeyey ee lagula dagaalmayo Shacabka Gobolka ayuu ugu bishaareeyey in uu yahay kii ugu dambeeyey ee lagu gumaado, maadama ay horey usoo wasaqoobeen shararkii kala duwanaa lagasoo bilaabo sanadii 1993-ilaa laga soo gaaro kan hada ay wataan oo ah Shaarka Maleeshiyada Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open