Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Ee Maamulka Jubbaland Oo Shir Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada (Sawiro)

Shirka Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa maanta Shir Gudoomiyey Madaxweyne ku xigeenka 1aad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaana kasoo qayb galay inta badan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn.

Wasaarada Amniga ayaa soo bandhigtay qorshaha tayaynta Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka oo ay kamid tahay kordhinta Mushaaradka iyo gunooyinka ay Askartu qaatan iyadoo Golahu uu ka dooday waxaana la isku raacay in la kordhiyo mushaaradka ay qaatan Ciidamada gaar ahaan Hay’adaha amaanka iyadoo qorshahan loo gudbin doono Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

Wasaaradaha kala ah Hawlaha guud iyo dib u dhiska, iyo Wasaarada Qorshaynta ayaa iyana soo gudbiyay qorshe hawleedka Sanadka Cusub ee inagu soo fooda leh si looga dodo inta uunan dhamaan sanadka 2016 kadibna aysan hawlaha Dowladu u istaagin gaar ahaan arimaha Qorshaynta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE