Shirka Madasha Oo Maalintii Labaad Galay Iyo Qodobo Xasaasi Ah Oo Leysku Haayo (Sawiro)

Shirka hogaamiyeyaasha Madasha oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaada galay, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowlada Fedaraalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Iyadoo qodobo xasaasi uu horyaallo madaxda ayaa dhinaca kale waxa shirka qeyb ka ah wakiilada Beesha Caalamka oo shalay canaan kulul usoo jeediyey Madaxda shirka qeyb galeysa oo ay ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen doorkii doorashada.

Madaxada ayaa ka doodaya inay soo saaraan jadwalka saxda ah ee doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waxaana meesha yaallo qodobo kale oo ay lasoo shir tageen wafdiga ka socda Puntland oo doodo ka qaba xubnaha aqalka sare ee loo qoon deeyey Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Halkan hoose ka aqriso qodobada leysku haayo oo gaaraya ilaa sideed qodob.

1. In la cayimo Waqtiga Doorashada la soo afjarayo
2. Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban
3. Da dejinta Doorashada Aqalka Hoose iyo mid Aqalka Sare
4. Xal ka gaarida muranka Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee ku aadan Aqalka Sare
5. Qoondada Haweenka
6. Xalinta kuraasta muranka ka jiro ee Aqalka Hoose
7. In Doorashada Madaxtinimada lagu qabto sanadka 2016-ka gudahiisa
8. In la fududeeyo tasiilaadka ay Doorashada u baahan tahay

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran