Shirkadaha Duulimaadka Garoonka Aadan Cadde Oo Saake Shaqa Joojin Samaayey

Shirkadaha Duulimaadka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyey shaqa joojin ka dib markii lagu soo rogay lacago dheeraad ah.

Madaxda shirkadaha ayaa ka gadooday lacago ay sheegeen in ay kusoo rogtay shirkadda maamusha Garoonka ee Favori oo lacago dheeraad ah dul dhigtay shirkadaha duulaamka, waxaana arintaas cabasho ka keenay shirkadaha.

Waxa lagu soo waramayaa in saake wax duulimaad ah aanu ka jirin Garoonka, iyadoo diyaaraha ay ka cabanayaan lacagaha oo ay sheegeen in ay ku adagtahaya bixintooda.

Shirakadaha sameeya Duulimaadka caalmiga ah ayaa horey waxa loogu qaadi jirey lacag gaareysa ilaa 20 kun oo duular, halka haatan lagu kordhiyey 10 kun oo dheeraad ah (30 kun doolar), sidoo kale shirkadaha duulimaadka ku sameeya Gobolada dalka ayaa horey loogu qaadi jirey 10 kun oo doolar ayaa hada la gaarsiyey 20 kun oo doolar.

Lama oga sida xal loogu gaari karo arintan, waxaana saake gabi ahaanba hakad ku jira duulimaadka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE