Wararkii Ugu Dambeeyey Weerar Culus Oo Lagu Qaaday Deegaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka Maamulka K/galbeed iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Goof-gaduud.

Dagaalka oo saaka qarxay ayaa ka dambeeyay, markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab dhowr meel kasoo weerareen ciidanka ku sugnaa Goof-gaduud.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka saameyntiisa laga dareemay magaalada Baydhabo, waxaana ka baxay ciidamo gurmad ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa deegaankan waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada koofur galbeed iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Gacan ku heynta deegaankan ayaa dhowr jeer is bedeshay, iyadoo mar Al-Shabaab bishii la soo dhaafay la wareegeen ay muddo saacado ka talinayeen, kadibna isaga baxeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran