Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Oo Markale Dib Loo Dhigay

Shirka madasha wadatashiga oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa shaley lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Hogaamiyeyaasha Madasha ayaa shaaciyey in xildhibaanada labada aqal la dhaarin doono 15-ka bisha December halka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka qabsoomi doonto 22-ka bisha December .

Dhanka kale, waxaa la isku afgartay in doorashada madaxweynuhu dhacdo 28-ka December.

Arintani waxay noqonaysaa markii saddexaad ee doorashada Soomaaliya laga dib dhigo  xiligii lagu heshiiyey.

Beesha caalamka iyo Soomaalida qudhooda ayaa aad uga dayriyey xaalada doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomaysa, iyadoo la sheegay inuu jiro musuq-maasuq baahsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open