Maamulka Degmada Afgooye Oo Qaati Ka Taagan Mooryaan Aruursato Canshuuraha Degmada Iyadoo Xiisad Ka Dhalatay Gudi Loo Magacaabay Daba-galka Canshuuraha Ay Taagan Tahay (Warbixin )

Waxaa weli degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka taagan xiisad u dhexeyso kooxo isbaaroley ah iyo maamulka degmada Afgooye oo xiligan aan waxba laga siinin dhaqaalaha ka soo xaroodo Canshuuraha degmada oo ay aruursadaan mooryaan ka soo jeedo deegaanada GalMudug iyo HirShabeelle.

Xiisaddan ka cusub degmada Afgooye ayaa timid kadib markii gudoomiyaha degmada Afgooye Abdinasir Caalim uu magacaabay gudi dabagal ku sameynaayo lacagta Canshuuraha xad-dhaafka ah ee ka soo xarooto suuqyada degmada Afgooye taasoo maamulka degmada uu ka gaajeysan yahay iska daa in shacab wax loogu qabtee lacagtaas.

Maleeshiyaad ka amarqaato Kaabo Mooryaanada Nuur Xayir(Habargidir) iyo Xasan Dhicisow (Abgaal) isla markaasina gacanta ku haayo Isbaarooyinka yaallo Baar Ismaaciil iyo Mukuyga Afgooye ayaa dhaqdhaqaaq bilaabay si ay uga hortagaan shaqada gudi uu shaley uu magacaabay maamulka degmada kaasoo daba-gal ku sameeynayo  Canshuuraha ka soo xaroodo Suuqyada Afgooye oo aan la ogeyn meelaha lagu isticmaalo.

Dhanka kale, ciidamo deegaanka ah oo la garabsiinaayo maamulka degmada ayaa iyagana xaley dhaqdhaqaaq ka bilaabay degmada Afgooye, waxayna xaley saqdhexe culeys saareen maleeshiyaadka Nuur Xayir oo saldhig ku lahaa Isbaarada taalo Baar Ismaaciil taasoo maleeshiyaadka  Nuur Xayir ku qasabtay inay ka guuraan  Koontroolka Baar Ismaaciil iyagoo u baqoolay dhanka Mukuyga oo ay joogaan maleeshiyaadka Xasan Dhicisow.

Canshuuraha iyo dhaqaalaha laga aruuriyo gaadiidka dhexmaro magaalada Afgooye ayaa waxaa  kala qaybsado  Kooxo Burcad ah isla markaasina gacan-saar la leh mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka K/Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan oo gacan-saar la leh mooryaanta boobka ka wado degmada Afgooye ayaa dhowr bil ka hor si qasab ah xilka gudoomiyenimo ka qaaday C/qani Boolimoog oo bilaabay howlgallo mooryaanta dhiigmiiratada ah looga nadiifinaayo degmada Afgooye.

Hoos ka akhriso warqadda lagu magacaabay gudiga dabagalka canshuuraha degmada afgooye.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran