Ciidamo Dheeraad Ah Oo Ka Socda Koonfur galbeed Oo La Geeyey Deegaanka Goof-gaduud

Maamulka Gobolka Baay ee K/galbeed ayaa Ciidamo dheeraad ah wuxuu geeyey deegaanka Goof-gaduud oo qiyaas ahaan 30 km u jira magaalada Baydhaba.

Ciidmadan dheeraadka ah oo xoojin doona kuwii horey halkaasi u joogay ayaa loogu talagalay inay iska kaashadaan weerarada iyo dagaalka xoogan ee Alshabaab ay kusoo qaadeyso deegaanka Goof-gaduud oo marar badan ay horey usoo weerareen.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyey Ciidamada jooga Goof-gaduud si ay dareen uga qabaan weerarada Shabaabka.

Deegaanka Goof-gaduud oo bartamihii sanadkan ay isaga baxeen Ciidamadav Itoobiya ayaa waxa marar badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq kusoo qaaday Kooxda Alshabab, waxaana Shabaab mar walba ay geystaan khasaare kala duwan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE